HANAQAAD INSTITUTE

Instructor Onboarding Guide

Hagahan wuxuu kuu sharxayaa talaabooyinka aad raacayso si aad uga mid noqoto macallimiinta Hanaqaad Institute.

INSTRUCTOR GUIDE
10
Simple Steps

Laga bilaabo heshiiska ilaa aad ka bilowdo waxbariddaada.

10 Simple Steps to Become a Hanaqaad Instructor

Raac talaabooyinkan si nidaamsan. Talaabo kasta waxay kuu diyaarinaysaa tan ku xigta ilaa aad si rasmi ah uga bilowdo waxbariddaada Hanaqaad.

Your progress 0%
01
STEP 01

Akhri oo Faham Instructor Agreement-ka

Marka hore si taxaddar leh u akhri Instructor Agreement-ka Hanaqaad. Hubi inaad fahantay waajibaadka, shuruudaha iyo habka aad ula shaqayn doonto Hanaqaad.

Akhri Heshiiska & Saxiix
02
STEP 02

Saxiix Heshiiska oo Gudbi Documents-ka

Kadib markaad akhrido heshiiska, buuxi oo saxiix foomka heshiiska. Gudbi dukumentiyada lagaa rabo sida CV-ga, certificates-ka iyo ID-ga.

Hubi in documents-ka aad gudbinayso ay yihiin kuwo sax ah oo la akhrin karo.
Saxiix & Gudbi Documents
03
STEP 03

Interview & Xaqiijin

Hanaqaad waxay dib u eegi kartaa xogtaada iyo khibraddaada, waxaana lagula soo xiriiri karaa interview ama xaqiijin dheeraad ah haddii loo baahdo.

Mar walba la soco email-ka aad ku diiwaangashan tahay Hanaqaad si aadan u seegin fariimaha iyo updates-ka muhiimka ah.
La Soco Email-kaaga
04
STEP 04

Qorshee Course-kaaga

Go'aami waxa aad rabto inaad barato, cidda koorsadu ku wajahan tahay, natiijada ardaygu ka heli doono iyo qaabka koorsada loo dhisi doono.

01 Course Topic
02 Target Students
03 Course Outcome
05
STEP 05

Diyaari Course-ka

Diyaari casharrada, videos-ka, presentations-ka, files-ka iyo materials-ka kale ee ardaydu u baahan doonaan.

Course-ku waa inuu lahaadaa content tayo leh, nidaamsan oo ardaygu si fudud u fahmi karo.
06
STEP 06

Gudbi Course-ka si loo Review-gareeyo

Marka course-kaagu diyaar noqdo, u gudbi Hanaqaad si loo eego tayada, qaab-dhismeedka iyo diyaar garowga koorsada.

Gudbi Course-ka
07
STEP 07

Iska Diiwaangeli Hanaqaad System-ka

Marka course-kaaga la diyaariyo oo review-ga la dhammeeyo, samee Instructor Registration-ka Hanaqaad System-ka si aad u hesho account-kaaga.

Instructor Registration
08
STEP 08

Hel Approval-kaaga

Kadib marka xogtaada iyo course-kaaga la hubiyo, Hanaqaad ayaa ku siinaysa confirmation iyo approval-kaaga marka nidaamka onboarding-ka la dhammeeyo.

Approval Codsigaaga macallinnimo wuxuu diyaar u yahay talaabada xigta.
09
STEP 09

Hel Instructor Dashboard-kaaga

Marka lagu ansixiyo, waxaad heli doontaa Instructor Dashboard-kaaga halkaas oo aad ka maamuli karto course-kaaga iyo hawlaha macallinnimo.

10
STEP 10

Bilow Waxbariddaada

Hambalyo! Marka dhammaan talaabooyinka la dhammeeyo, waxaad diyaar u tahay inaad aqoontaada la wadaagto kumannaan arday oo Hanaqaad ah.

Waxaad diyaar u tahay inaad wax barato kumannaan arday. Ku soo dhawoow Hanaqaad Institute.

Ku biir Hanaqaad Instructor Community

Haddii aad diyaar u tahay inaad aqoontaada la wadaagto ardayda, bilow tallaabadaada koowaad.

Bilow Instructor Application