Hanaqaad Institute

Heshiiska Instructor-ka

Heshiiska rasmiga ah ee u dhexeeya Hanaqaad Institute iyo Instructor-ka, kaas oo qeexaya waajibaadka, xuquuqda, lacag-bixinta, ilaalinta Course-ka iyo xiriirka Students-ka.

Heshiis Version 1.0 • September 2026 • 25 Qodob
Qodobbada Heshiiska
Dooro qodobka aad rabto inaad akhrido
HANAQAAD INSTITUTE

Heshiiska Instructor-ka

Heshiiska rasmiga ah ee u dhexeeya Hanaqaad Institute iyo Instructor-ka, kaas oo qeexaya waajibaadka, xuquuqda, la shaqaynta, ilaalinta Course-ka iyo xiriirka Students-ka.

Heshiis Version 1.0 September 2026 25 Qodob
01
STEP 01 Akhri Heshiiska Akhri 25-ka qodob
02
STEP 02 Saxiix Form-ka Foomka hoose
Akhri marka hore, kadib saxiix. Marka aad dhamayso akhrinta 25-ka qodob, hoos ugu dhaadhac oo saxiix foomka si heshiisku u dhamaystirmo.
01

Qodobbada Guud

Heshiiskani wuxuu qeexayaa xiriirka iyo shuruudaha u dhexeeya Hanaqaad Institute iyo Instructor-ka.

Instructor-ku wuxuu oggol yahay inuu raaco heshiiskan, siyaasadaha Hanaqaad iyo dhammaan sharciyada khuseeya.

02

Mas’uuliyadda Instructor-ka

Instructor-ku wuxuu mas’uul ka yahay diyaarinta, duubista, gudbinta iyo ilaalinta tayada Course-ka.

Instructor-ku waa inuu hubiyaa in casharrada, files-ka iyo materials-ku yihiin kuwo sax ah, sharci ah oo ku habboon ardayda.

03

Gudbinta Course-ka

Instructor-ku wuxuu Course-ka iyo materials-kiisa ku gudbinayaa nidaamka submission-ka ee Hanaqaad.

Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay dib u eegto Course-ka ka hor inta aan lagu daabicin platform-ka.

04

Shuruudaha Content-ka

Course content-ku waa inuu ahaadaa mid cad, nidaamsan, la fahmi karo, isla markaana si sax ah uga tarjumaya Course-ka la xayeysiiyay.

Content-ku waa inuusan si ula kac ah u jebin Copyright, Trademark ama xuquuqda Intellectual Property ee qof kale.

05

Heerarka Tayada iyo Waxbarashada

Course kasta waa inuu buuxiyaa heerarka tayada iyo waxbarashada ee Hanaqaad.

Instructor-ku wuxuu mas’uul ka yahay inuu hubiyo in Course-ku yahay mid sax ah, tayo leh, la fahmi karo, isla markaana la jaanqaadaya isbeddellada muhiimka ah ee ku yimaada software-ka, technology-ga ama macluumaadka uu Course-ku ku saabsan yahay.

Haddii Course-ku noqdo mid outdated ah ama u baahan yahay sixitaan, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay Instructor-ka ka codsato update, sixitaan ama hagaajin.

Haddii Instructor-ku uusan sixitaanka ama update-ka ku samayn muddada macquulka ah ee Hanaqaad u qabato, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay si ku-meel-gaar ah u hakiso ama uga saarto Course-ka platform-ka.

06

Cusboonaysiinta Course-ka

Instructor-ku waa inuu si macquul ah u cusboonaysiiyaa Course-ka marka ay isbeddelaan software-ka, technology-ga ama aqoonta muhiimka u ah Course-ka.

Hanaqaad waxay Instructor-ka siin kartaa muddo macquul ah si uu u sameeyo updates-ka loo baahan yahay.

07

Ilaalinta Course-ka iyo Gaar-ahaanshaha Xaddidan

Instructor-ku ma iibin karo ama si toos ah uguma qaybin karo platform kale, website kale ama channel ganacsi oo isaga u gaar ah isla Course-ka ama nuqul si weyn ugu dhow Course-ka uu Hanaqaad ku daabacay, inta Course-kaasi si firfircoon uga iibinayo Hanaqaad.

Instructor-ku wuxuu xor u yahay inuu bixiyo koorsooyin, casharro ama adeegyo kale oo waxbarasho oo kala duwan, haddii aysan si toos ah u nuqul ka ahayn ama ula tartamayn isla Course-ka uu Hanaqaad ku daabacay.

Haddii Instructor-ku doonayo inuu isla Course-ka ama version aan si weyn uga duwanayn ku daabaco platform kale inta heshiiskani socdo, waa inuu marka hore ka helo oggolaansho qoraal ah Hanaqaad.

08

Akoonka Instructor-ka

Instructor-ku wuxuu mas’uul ka yahay amniga account-kiisa, login information-ka iyo xogta uu ku diiwaangeliyay Hanaqaad.

Instructor-ku ma siin karo qof aan loo oggolaan username, password ama access-ka account-kiisa.

09

Khibradda Ardayga

Instructor-ku waa inuu bixiyo content waxbarasho oo xirfad leh, cad, ixtiraam leh oo ardaygu si wanaagsan uga faa’iidaysan karo.

Instructor-ku waa inuu ka fogaadaa dhaqan ama content dhaawici kara khibradda waxbarasho ee Students-ka.

10

Lacag-bixinta iyo Qaybinta Dakhliga

11

Soo-celinta Lacagta iyo Chargebacks

Haddii Student-ku dalbado Refund iyadoo la raacayo Hanaqaad Refund Policy, qaybtii Revenue Share-ka Instructor-ka ee transaction-kaas waa la baajinayaa.

Haddii Revenue Share-ka transaction-kaas hore loogu bixiyay Instructor-ka, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay lacagtaas ka jarto Revenue Share-ka Instructor-ka ee bisha xigta ama payout-yada mustaqbalka.

Chargebacks iyo transactions lagu xaqiijiyo inay yihiin fraudulent transactions looma tixgelin doono Net Revenue-ka loo qaybinayo Instructor-ka.

12

Qiimaha, Qiimo-dhimista iyo Xayeysiisyada

Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay Course-ka u samayso qiimo-dhimis, promotional offers, scholarships ama marketing campaigns si kor loogu qaado iibka iyo gaarsiinta Course-ka.

Revenue Share-ka Instructor-ka waxaa lagu xisaabinayaa qiimaha dhabta ah ee Student-ku bixiyay kadib Discount-ka ama Promotional Offer-ka la dabaqay.

13

Suuq-geynta iyo Xayeysiinta

Hanaqaad waxay isticmaali kartaa magaca Instructor-ka, sawirkiisa, magaca Course-ka, xogta Course-ka iyo qaybo promotional ah oo Course-ka ah ujeeddooyin waxbarasho, marketing iyo promotion oo la xiriira Hanaqaad.

14

Ilaalinta Ardayga iyo Asturnaanta Xogta

Instructor-ku waa inuu ilaaliyaa xogta iyo asturnaanta Students-ka.

Student Data waxaa ka mid noqon kara magaca, email-ka, telefoonka, Course enrollment, progress, assessment results iyo xog kale oo la xiriirta isticmaalka platform-ka.

Instructor-ku ma iibin karo, ma gudbin karo, ma qaybin karo, mana isticmaali karo Student Data si aan loo oggolaan.

Instructor-ku sidoo kale ma download-gareyn karo, ma kaydin karo ama third party uma gudbin karo xogta Students-ka haddii uusan haysan oggolaanshaha Hanaqaad ama sabab sharci ah oo u oggolaanaysa.

15

Ka-fogaanshaha Dalabka Tooska ah ee Ardayda

Instructor-ku ma isticmaali karo xogta ama xiriirka uu ka helay Students-ka Hanaqaad si uu si gaar ah ugu dalbado, ugu iibiyo ama ugu wareejiyo Student-ka adeeg ama Course ka baxsan Hanaqaad iyadoo ujeeddadu tahay in laga gudbo ama laga fogaado nidaamka Hanaqaad.

Qodobkani kama hor istaagayo Instructor-ka inuu si madax-bannaan u bixiyo adeegyo ama waxbarasho kale oo sharci ah oo aan ku saleysneyn si khaldan xogta Students-ka Hanaqaad.

16

Hantida Maskaxda iyo Lahaanshaha

Course Materials-ka uu leeyahay Instructor-ku waxay ahaanayaan Intellectual Property-ga Instructor-ka, marka laga reebo xuquuqda isticmaalka ee heshiiskani si cad u siinayo Hanaqaad.

Instructor-ku wuxuu xaqiijinayaa inuu leeyahay Course Materials-ka ama uu haysto oggolaanshaha sharci ee lagama maarmaanka u ah isticmaalkooda.

Hanaqaad ma sheeganayso lahaanshaha original Intellectual Property-ga Instructor-ka haddii aan si qoraal ah si gaar ah loogu heshiin.

17

Ruqsadda Isticmaalka ee Hanaqaad

Instructor-ku wuxuu Hanaqaad siinayaa Exclusive Commercial Distribution Rights oo ku saabsan specific Course Version-ka uu Instructor-ku ku soo geliyay Hanaqaad inta heshiiskani socdo.

Xuquuqda lahaanshaha Intellectual Property-ga asalka ah waxay sii ahaanaysaa mid uu leeyahay Instructor-ku.

Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay Course-ka host-gareyso, soo bandhigto, suuqgeyso, iibiso oo si ganacsi ah ugu qaybiso Students-ka iyada oo la raacayo heshiiskan.

18

Dammaanadaha iyo Xaqiijinta Instructor-ka

Instructor-ku wuxuu xaqiijinayaa in:
1. Course Materials-ku yihiin kuwo uu leeyahay ama uu haysto oggolaanshaha sharci ee lagama maarmaanka u ah isticmaalkooda.
2. Content-ku uusan jebin Copyright, Trademark ama Intellectual Property rights qof ama hay’ad kale.
3. Xogta uu ka bixiyay aqoontiisa, khibraddiisa iyo qualifications-kiisu ay tahay mid sax ah.
4. Course-ku uusan gudbin macluumaad been abuur ah, khiyaano ah ama sharci-darro ah.

Instructor-ku waa inuu Hanaqaad si degdeg ah ugu wargeliyaa haddii claim ama dispute laga keeno Course Materials-ka.

19

Magdhowga Jebinta Xuquuqda Hantida Maskaxda

Haddii dhinac saddexaad uu Hanaqaad u soo gudbiyo claim, demand ama dacwad la xiriirta Copyright, Trademark ama Intellectual Property infringement oo si toos ah uga dhashay Course Materials uu Instructor-ku bixiyay, Instructor-ku waa inuu si buuxda ula shaqeeyaa Hanaqaad si arrinta loo xalliyo.

Haddii lagu caddeeyo in claim-ka ama khilaafku uu ka dhashay jebin uu Instructor-ku ku sameeyay xuquuqda dhinac saddexaad, Instructor-ku wuxuu mas’uul ka noqon karaa kharashaadka iyo khasaaraha si sharci ahaan looga dalban karo, oo ay ku jiraan kharashaadka sharci ee macquulka ah, iyadoo lagu saleynayo go’aanka hay’adda ama maxkamadda awoodda u leh.

Instructor-ku waa inuu Hanaqaad si degdeg ah ugu wargeliyaa claim, notice ama cabasho kasta oo la xiriirta xuquuqda Course Materials-ka.

Immediate Legal Cost Coverage
Haddii claim IP oo la xiriira Course Materials uu yeesho evidence macquul ah ama xaqiijin rasmi ah, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay si ku-meel-gaar ah u qabato lacag ka mid ah Revenue Share-ka Instructor-ka ee aan weli la bixin, iyadoo qadarku yahay mid macquul ah oo si toos ah ula xiriira claim-ka iyo kharashaadka sharci ee la filan karo.

Lacag kasta oo ka badan qadarka loo baahan yahay waa la sii daynayaa marka arrinta la xalliyo.

20

Joojinta Heshiiska

Hanaqaad ama Instructor-ku waxay joojin karaan heshiiskan iyagoo siinaya dhinaca kale Ogeysiis Qoraal ah oo 30 maalmood ah.

Inta lagu jiro muddada 30-ka maalmood ah, Instructor-ku waa inuu sii wadaa waajibaadkiisa la xiriira Students-ka iyo Course-ka, ilaa labada dhinac si kale ugu heshiiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay heshiiska si degdeg ah u joojiso haddii Instructor-ku ku lug yeesho:
• Fraud ama khiyaano;
• Copyright ama Intellectual Property infringement;
• Student Data misuse;
• Content sharci-darro ah;
• Marin-habaabin Students;
• Jebinta Confidentiality;
• Ama jebin kale oo culus oo heshiiskan ah.

21

Saamaynta Joojinta iyo Helitaanka Ardayda

Joojinta ama dhammaadka heshiisku kama qaadi doonto Students-ka horay si sharci ah ugu diiwaangashnaa Course-ka xuquuqdooda access-ka ay heleen markii ay Course-ka iibsadeen.

Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay sii hayso, host-gareyso oo Students-ka horay uga diiwaangashanaa u sii oggolaato access-ka Course-ka muddada lagama maarmaanka u ah fulinta waajibaadkeeda iyo ilaalinta xuquuqda Students-ka.

Instructor-ku ma dalban karo in Course Materials-ka laga tirtiro ama laga saaro Hanaqaad haddii tirtiriddaasi ay si aan macquul ahayn u joojinayso ama u dhaawacayso access-ka Students-ka horay u iibsaday Course-ka.

Revenue Share-ka laga leeyahay sales sax ah oo dhacay ka hor termination-ka waxaa loo xisaabin doonaa lana bixin doonaa iyadoo la raacayo shuruudaha heshiiskan, iyadoo laga jarayo Refunds, Chargebacks iyo wixii kale ee si sharci ah looga jari karo.

Existing Student Support — 90 Days
Haddii heshiiska uu joojiyo Instructor-ku, Instructor-ku waa inuu sii wadaa support-ka iyo Q&A-ga Students-ka horay u iibsaday Course-ka muddo ilaa 90 maalmood ah laga bilaabo effective termination date.

Haddii Instructor-ku uusan si macquul ah u fulin waajibaadkan, Hanaqaad waxay xaq u leedahay inay u magacowdo Tutor ama Tutor Assistant si ay u bixiso support-ka loo baahan yahay.

Kharashka support-kaas waxaa laga jari karaa ilaa 20% oo ka mid ah Revenue Share-ka Instructor-ka ee haddii kale loo bixin lahaa inta lagu jiro muddada support-ka.

Instructor-ku ma heli doono Revenue Share cusub oo ka dhasha sales-ka cusub ee dhacaya kadib effective termination date, marka laga reebo lacagaha si sax ah uga dhashay sales-ka dhacay ka hor termination-ka oo weli u baahan settlement.

22

Xiriirka Independent Contractor

Instructor-ku waa Independent Contractor ee Hanaqaad, mana aha employee, partner ama official agent, haddii aan qoraal kale lagu heshiin.

Heshiiskani ma abuuro partnership, joint venture ama employment relationship.

Instructor-ku wuxuu mas’uul ka yahay waajibaadkiisa sharci, canshuur, xirfadeed iyo kuwa kale ee isaga khuseeya.

23

Sharciga Lagu Dhaqayo iyo Xallinta Khilaafaadka

Heshiiskan waxaa lagu fasiri doonaa laguna maamuli doonaa iyadoo la raacayo sharciga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxay marka hore isku dayi doonaan inay si wanaagsan, xirfad leh oo wada-hadal ah ku xalliyaan khilaaf kasta oo ka dhasha heshiiskan.

Haddii khilaafka lagu xallin waayo wada-hadal, waxaa loo gudbin karaa maxkamadaha awoodda u leh ee Mogadishu, Somalia, iyadoo lagu saleynayo sharciga iyo awoodda maxkamadeed ee khuseeya.

24

Aqbalaadda Elektaroonigga ah iyo Diiwaannada

Marka Instructor-ku akhriyo heshiiskan, calaamadeeyo “I Agree / Waan Aqbalay”, kadibna gudbiyo Instructor Application ama Acceptance Form-ka, waxaa loo tixgelin karaa inuu si elektaroonig ah u aqbalay shuruudaha heshiiskan, iyadoo lagu saleynayo sharciga khuseeya.

Hanaqaad waxay kaydin kartaa record-ka acceptance-ka, oo ay ku jiraan magaca Instructor-ka, email-ka, taariikhda iyo version-ka heshiiska la aqbalay.

Agreement Version: 1.0 — September 2026

25

Oggolaanshaha Xayeysiinta iyo Suuq-geynta